BIV och BIS Somali

Qaxooti ahaan miyaa dalka Iswiidan ku timi, da’daadana ma u dhaxaysa 7 ilaa 20 sano? Adiga mise qoyskaaga sharciga miyaad sugaysaan mise dhowaan ayaa lagu/la idin siiyay sharciga dalka Iswiidan? Ma doonaysaa inaad aqoon adiga kugu saabsan korarsato oona lagula qaybsado khibrada aad u leedahay soo gelida dalka Iswiidan?

BIV iyo BIS waa koorsooyin carruurta iyo dhallinyarada ee dalka Iswiidan
keligood yimi loogu talagalay.

Ogeysiis! Xitaa waalidiintaada iyo walaalahaaga way ka soo qaybgeli karaan
koorsada! Iyaga waxay ka tirsanaan doonaan koox-waalidiin iyaga u gaar ah, adiguna waxaad dhigan doonta koorso da’daada loogu talagalay. Walaalahaaga ka yaryar waxaa loo yeeli doona qof xannaaneeyo saacadahaas.

Khibrada qaxida waa arrin qofka keligiisa aad ugu culus in u ximbarsado 

Qofka da’da yar ee dalkiisa ka soo qaxay, wuxuu badi ahaan la kulma kadeedis badan. Waxaa laga yaaba inaad goob-joog ka ahayd goob dagaal ama khasaare ka dhacday? Waxaa laga yaaba inaad muddo dheer sugaysay sharciga, taasoo kugu abuurtay walwal iyo walbahaar? Walwalka laga qabo waxa dhici doono ama sida ay wax noqon doonaan, wuxuu qofku ku abuura dhibaato shaqsiyeed. Waxaana taasi ka sii daran haddii waalidiintaada iyo walaalahaaga dhibaatooyinkaas kula qabaan.

Koorsooyinka BIV/BIS waxay ka caawini karaan inaad … 

  • shaacbixiso inaad keligaaga ahayn.
  • lagu dareen-siiyo wadajir iyo fursad aad kula kulanto carruur iyo dhallinyaro kale oo isla xaaladaas ku sugan.
  • lagu garansiiyo in adiga aadan sababin ka soo qaxida dalka iyo caafimaad-
    darrada waalidiintaada.
  • hesho aqoon ku saabsan sida looga arrinsado arrimaha magangelyada/
    is-dhexgalka.
  • hesho aqoon dheeraad ku saabsan dalka Iswiidan iyo bulshada dalka Iswiidan.
  • hesho fursad aad ku soo bandhigto dareenadaada.
  • barato isku kalsoonaanshanimada.
  • barato xajinta sirta wadahadalka kooxda.

Koorsooyinka BIV iyo BIS yaa loogu talagalay?

  • Carruurta sugaya, BIV: Adiga oo da’daada u dhaxaysa 7-20 sano oo
    wadajir qoyskaaga sugaya jawaabta codsiga magangelyada.
  • Carruurta bilaabay, BIS: Adiga iyo wadajir qoyskaaga dhowaan sharciga
    dalka Iswiidan la idin siiyay.
  • Adiga oo da’daada u dhaxaysa 7-20 sano oo wadajir oo keliga dalka
    Iswiidan yimi.
  • Qofka adigoo kale ah oo waalid ah waxaad ka qaybgeli karta kooxda waalidiinta, oo koorsada dhigan doono isla xilliga kooxda carruurta-dhallinyarada.

Saacadahaas waxaa la heli kara fursadda lagu xannaaneeyo carruurta yaryar.

Koorsooyinka waxay ka kooban yihiin 14 qaybood waana lacag la’aan.
Dhaqdhaqaaqa xiriir lama laha diin ama siyaasad!